About us

Who we are?

JobLink Somalia is a job search portal that announces all available vacancies both in the public and private sectors. The Portal is planned to become your one-stop solution for all job-related issues.
In addition to vacancies, JobLink Somalia will help you get expert career advice from sector professionals, employers and recruiters. You can follow jobs announcements through our our Facebook and Twitter pages, which also connect you with talented professionals. You can also sign up for Job Alerts to be alerted to new career opportunities that match your job search.

History

Our Sister organization, Radio Iftin - Somalia’s first educational radio station- on 10th July 2012 launched a weekly radio program named ‘Shaqo-doon’ (Job Seeker in Somali) to let the jobseekers know all available jobs in Somalia. Later, the program was changed to daily to cater to the growing information needs of the jobseekers.
The program’s source of job ads were two foreign websites that do not feature the local jobs that are advertised by the Somali government, local NGOs and businesses, a need JobLink Somalia is going to respond to.

With the success of that radio program, we decided to expand this initiative by launching JobLink Somalia, which is not only a job search portal but also provides other employment-related services.

********************************

Waxaanu Nahay

JobLink Somalia waa bar internet oo loogu talo galay in laga helo shaqooyinka, deeqaha waxbarashada, iyo talooyinka ku saabsan sida aad ku heli karto shaqo kugu habboon. Bartan waxaa loogu talo galay inay noqoto hal meel oo aad ka heli karto dhammaan adeegyada aad uga baahan tahay arrimaha khuseeya shaqada.
Marka laga reebo shaqooyinka, JobLink Somalia wuxuu kaa caawin doonaa sidii aad talooyin shaqo uga heli lahayd xirfadleyda, shirkadaha iyo hay’adaha wax shaqaaleysiiya. Shaqooyinka aan soo bandhigno waxaad kala socon kartaa bogaggeena Facebook iyo Twitter oo sidoo kale kuu suurtogelinaya inaad kula xiriirto xirfadley aqoon leh. Waxaad sidoo kale dalban inaan email ahaan kugu soo dirno shaqooyinka toddobaadkiiba hal mar, adigoo ka dalban kara Job Alerts.

Taariikh

Idaacadda aan mataanaha la nahay ee Radio Iftin - oo ah Idaacaddii waxbarasho ee ugu horreysay Soomaaliya, ayaa 10kii July 2012dii billowday barnaamijkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo loogu magac daray ‘Shaqo-doon’, kaasoo loogu talo in dadweynaha lagula socodsiiyo shaqooyinka bannaan.
Hase yeeshee, shaqooyinka waxaan ka soo xigan jirnay baro internet shisheeye oo aan soo qaadanin shaqooyinka ay xayeysiiyaan Dowladda, Hay’adaha iyo Shirkadaha Soomaaliyeed, baahidaas oo JobLink Somalia ay dooneyso inay wax ka qabato.

Haddaba maadaama uu guuleystay barnaamijkii ‘Shaqo-doon’ ee uu soo hindisay Radio Iftin, waxaan go’aansanay inaan ballaarino dadaalkaas oo aan sameyno bar internet oo aan soo tebin shaqooyinka oo kaliya, balse bixisa adeegyo kale oo khuseeya helista shaqada.

Let's

Work together!