Sidee loo qoraa CV caalami ah

Waa maxay CV?

“CV-ga waa warqadda yar ee ay ku qorantahay dhammaan faahfaahinta ku saabsan nafsadaada iyo guud ahaan waxyaabihii aad soo qaadatay sidda waxbarashada heerka aad ka gaartay, siminaarada aad soo qaadatay iyo xirfadaha aad wadato.”

Iska illaali marwalbo inaad CV-gaada ku qorto waxyaabo ka baxsan anshaxa wanaaga ee ka dhaxeeyo xeerarka shaqada iyo guud ahaan hababka wanaagsan ee shaqada. CV-gaada marwalbo ha noqdo mid ka turjubanaayo inaad tahay shaqsiga ku haboon shaqadaas. Waxaana loo baahanyahay inaad ku qorto qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

 

Personal Data

Qeybtaan waxaa Loobaahanyahay inaad si fiican ugu qeexdo faahfaahinta aas-aasiga ah sidda magacaaga, Dhalashadaada, Teleefoonka lambarka, Luuqada aad ku hadasho, cinwaanka emailkaada iyo cinwaanka deegaanka aad degantahay oo lagala soo xariiri karo.

 

Profile

Qeybtaan waxaad si diiran ugu qeexaysaa adiga cidda aad tahay, aqqoon ahaan iyo dabeecad ahaan wali adigoo soo koobaayo qoraalkaada, wali iyadoo ay ku dheehantahay qoraal yar oo ku dheehantahay xikmad iyo garaadnimo.

 

Career Objective

Qeybtaan ayaa iyadana ah qeyb aad u wanaagsan oo lagaaga baahantahay inaad si fiican indhaha ugu hayso sidda ugu wanaagsan ee aad ku hanani karto shaqadaas. Waxaana lagaaga baahanyahay inaad naftaada si fiican u suuqgeyni karto. Si aad naftaada si fiican ugu suuqgayso waxaad u baahantahay inaad marka horre booqato websiteka shirkada aad shaqada ka raadinayso ama ururka aad doonayso inaad u shaqayso noocwalb uu yahay.

 

Working Experience

Qeybtaan waxaa lagaaga baahanyahay inaad si fiican iyadana u qeexdo shaqooyinka aad soo qabatay, goobta shaqada halka ay ahayd, wadankee ama caasimadee, sanadkii iyo bishee ka soo shaqeysay. Su’aalahaas inaad si fiican ugu jawaabto waxay kaa caawinaysaa inaad tahay shaqsi u qalbi booska shaqadaas. Inta badan maamulayaasha waxay qadariyaan qofka xirfaha kalla duwan leh, sawabtoo ah waxaa la is dhihi karaa waa shaqsi diyaar u ah inuu shaqeeyo madamaa waayo aragnimo dheer uu leeyahay. Hadaba si fiican ugu dadaal inaad ku guulaysato qeybtaan.

 

Institutions Attended With The Highest Educations

Qeybtaan waxaad ku sharaxaysaa waxbarashada heerka ugu sareeyay ee aad gaartay intii aad waxbarasho ku jirtay, waxaana muhiim ah inaad ku xusto taariikhda aad bilawday iyo taariikhda aad dhammaysay waliba goobta iyo wadanka uu ahaa.

 

Professional And Training Qualifications

Dabcan wakhtiyadaan dambe dadka waxay qaataan siminaaro kalla duwan iyo waxyaabaha aad ku hesho aqqoon xirgfadeed, qeybtaan waxaa wanaagsan inaad si fiican siddoo kale ugu qeexdo wakhtiga aad qaadatay iyo goobtuba, iyo wuxuu ahaa siminaarkaasi.

 

Reference

Qeybtaan waxaad ku qoraysaa cidda adiga masuul kaa noqoni karto haddii ay wax dhacaan sidda qof la yaqaano oo kale, maxaa yeelay inta badan shaqada la siiyaa dadka aadka loo yaqaano, maxaa yeelay dabcan ummada waxay jecelyihiin shaqsiyaadka aadka loo yaqaano si qofkaas loo helo meel loo raacani karo. Isku day inaad hesho qofka adiga masuulka kaa ah, haddii aad weyso micna malahan waxaad ku qori kartaa waad iweydiini kartaan wixii kale oo aad u baahantihiin “Available upon requests” balse marwalbo aad ayay u fiicantahay inaad ku qorto shaqsi la yaqaano. Haddii aadan haynin shaqsina waa iska caadi irsaaqada Illaahay scw ayaa bixiyo ee waa nasiib.